NEWS: Heshiiskii Galmudug Oo Daaqadda Ka Bixiyey Xubno Ka Tirsanaa Ahlu-sunna……

Shalay waxaa Muqdisho heshiis rasmi ah ku wada saxiixday madaxweynaha Galmudug iyo sidoo kale hogaamiyaha AHlu-sunna, wuxuuna heshiiskan ka koobnaa 14 qodob.

Sida xogta ku helnay waxaa daaqadda ka baxay xubno kamid ah Ahlu-sunna oo iyaguna heshiiskaasi uu aad u sameeyay.

Ahlu-sunaddii horey ugu soo biirtay Galmudug, islamarkaana xubnaha  wasiirada ka heshay Galmudug ayaa hadda meesha ka baxaya, sababtuna waxay tahay waxaa wasiirada loo eegi doonaa Galmudug iyo Ahlu-sunna Shaakir hoggaamiyo.

Waxaa suurtagal ah in qoondo aan sidii hore u badneyn meesha looga radiyo si wax loo xaliyo.

Galmudug oo aan dhaqaale haysan ayaa hadda waxay la ciir cirri doontaa wasiiro tiro badan, xildhibaanno sidoo kale xad dhaaf ah iyo culeysyo badan.

La ogaan doono sidey wax ku dambeyaan balse dadka hadda waxay sugayaan wasiirada cusub ee lasoo magacaabi doono.

Shabakada Caalamka Online

Xafiiska Mogadishu Somalia

Caalamka113@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA UGU DANBEEYAY




WARARKA UGU AQRISKA BADAN

%d bloggers like this: