Fariin Jaceyl: Qalbigeyga Ayaad Qaadatay Adiga Oo Aan Ila Tashan:Qalinkii Fanax Fariid

Si qarsoodi ah ayaad u xaday qeybkasta oo qalbigeyga ka mid ah adigoo aan igala tashan,haseyeeshee nasiibdaro waxaa iiga sii xanuun badan adigoon soo dhameystiran isku keenida qeybtii ka dhineyd qalbiga inaad ilowday.

* Kelmada waan ku jeclahay markaad ii timid ee aad igu tiri,ma aqaano wixii igu dhacay,jaceylkaaga la’aantiis waan lunsanaa, waxaan dareemay erey walboo aad i dhahday, Jaceylkaaga waa waxa ugu macaan ee nolosheyda soo maraya intii aan noolaa.

* Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaado, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya.

* Waxaad Qalbigeyga ka sameysatay mudul salkiisu adag yahay,hadana ay ka buuxaan xiiso,farxad iyo ififaalada hami nolol cusub.

Ma ogtahay qalbigeygoow in naftu aaney ogoleyn iney qanacdo hadii ay kaa weyso hawada ay ku neefsaneyso,i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaa ku suganahay.

Waxaan kuu caashaqay xad ka balaaran inta aadan oogaan karin xaqiiqduna aan qiyaastaas u gaarayna waxey tahay burhaantaada ayaa maalinkasta siisa iftiin gaara ah oo qalbigeyga ka dhex shidan.

Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay.

Ma ogtahay nafteydoow in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara inaad adigu tahay. Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga.

Maalin kale ayaa i dhaaftay anigoo aanan dheehaneyn dhoolaceyntaadii quruxda badneynd ee waaberi kasto aan ku indha doogsan jiray. Waa dareen xanuun badan inaad ku fekerto qofkii aad aadka u jecleyd ee hadana kaa fog,qalbiguna guux iyo guhaad kaama daayo.

Qalinkii Fanax Fariid

Shabakada Caalamka Online

Xafiiska Mogadishu Somalia

Caalamka113@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA UGU DANBEEYAY




WARARKA UGU AQRISKA BADAN

%d bloggers like this: