Xasuuso Mar walba Inaad Guursatay Gabadh kaaga soo Go’day Ehelkeeda.Qalinkii Fanax fariid

Sii Xoriyad Buuxda Guriga Dhexdiisa, Hana Dhex gelin Arimaheeda u Gaarka ah.
Si Joogta ah u Amaan iyada, Gaar Ahaan Ehelkaaga Agtiisa, isla markaana Sii Hami Gaar Ah Marka ay Ehelkaagu kula Joogaan Dareensiina Inaad Jeceshahay Xaaskaga.

Kedis uga dhig Maalmaha Qaar Hadiyado aysan kaa Filanayn , Waayo Way Kusii Jeclaanaysaa .
Haku Deg-degin inaad Waalidka u Sheegto, Waxyaabaha Dhexdiina ka Dhaca.
Sii Ogolaanshahaaga, si iyadana ay kuu Siiso Qalbigeeda.

Mar kasta wax ka Tus Dhanka Wanaaga, Adigoo Ka Waaninaya Dhanka Xumaanta , Isla Markaana Dareensiinaya Inaa Tahay Amiirkeeda Oo Lajecel Wanaaga & Samaanta.

Maamuus oo Sharaf Ehelkeeda Una Ducee Marwalba Waayo Waa Hooyadaa & Aabahaa Labadeeda waalid .
Ha u Diidin Waxkasta oo ay Dalbato, Hana Siinin Wax Walba oo ay Dalbato.

Noqo Mid ixtiraama, una Naxariista iyada & Asxaabteeda.
Iska iloow Haday Kadhacaan Khaladaad Yar-Yar Waayo Waa Dumar Oo Wakhti Walba Taam Ma, Aha Kaliya Xasuuso Wakhtiyada Qaar Inay Todobaadka Kujirto Oo aysan Dulqaad Badan Lahayn .

Haddii Aad Dhahdo Wakhtiyada Qaar Hadal Ay Dhibsato Raali Geli Markaad Qaboowdo Oo sii in Badan oo Dareen ah, una Cudur daaro

Qalinkii Fanax fariid

Shabakada Caalamka Online

Xafiiska Mogadishu Somalia

Caalamka113@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA UGU DANBEEYAY




WARARKA UGU AQRISKA BADAN

%d bloggers like this: