Fariimo Jaceyl : La Joogaagu Waxa Uu Nolosheyda Ka Dhigaa Mid Dhameystiran:Qalinkii Fanax Fariid

Maqnaanshahaaga wuxu iga garwaaqsiiyaa sida baaxada leh ee aan kuu jeclahay iyo sida aan kuu tebaayey intii aan kala maqneyn,subxihii waxey u ekaayeen kuwa aan nuur laheyn.
*Waan ogahay wax ka xun nolosha ineysan jirin dhibaatada ugu weyn lamaane kasta iney tahay kala fogaanshaha.

* Waxaan tebay dhawaaqa codkaaga,waan ogahay ineysan waxba hada iga maqneyn mar hadaan ku helay,sida inaan helay nafteydii oo kale.

*Xayaati mararka qaar nafteyda waxaa cabsi geliya markaan ka fekeraayo,ka waran hadii aadan nafteyda qeyb ka ahaan laheyn,waxaan noqon lahaa mid aan amaan laheyn,keliya waa inaan kuu jeclahay si aad ah,waana ogahay xaqiiqda in la joogaagu inuu nolosheyda ka dhigaayo mid dhameystiran, la’aantaana waxaan noqon lahaa qof dayacan oo aanan awoodin inaan wajaho nolosha.

*Waan ku jeclahay,mana awoodo inaan si ku filan u iraahdo,Ma awoodo inaan sharaxdo inta aan kuu baahanahay,laakin sidaan adiga kuugu go’ay horey uma dhicin waana mid dhamaan la’aan ah. Jaceylka sidaan ah horey uma aqoon,wuxuu ii furay nuuca qibrad cusub oo sidaan oo kale ah oo aanan horey ugu fikirin inuu jiro,waana ku qanacsanahay inaan kaa helay jaceyl ahaan iyo saaxiib ahaanba.

Qalinkii Fanax Fariid

Shabakada Caalamka Online

Xafiiska Mogadishu Somalia

Caalamka113@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKA UGU DANBEEYAY




WARARKA UGU AQRISKA BADAN

%d bloggers like this: